AKHRISO:- Raashiya Oo Gantaalo Casri Ah Ka Iibinaysa Turkiga

0

Madaxa Shirkadda Difaaca Raashiya ROSTEC, Sergey Chemesov ayaa sheegay inay muddo 2 bilood gudahooda ku gaarsiin doonaan dalka Turkiga Nidaamka Gantaalladda Difaaca ee S 400, isla markaana la tababaray shaqaalihii ku hawl-geli lahaa.

Sergey Chemezov waxa uu hadlkaasi ka sheegay Shirka Dhaqaalaha Caalamiga ee shalay ka furmay magaalladda Saint Peterburg ee dalka Raashiya

Waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Heshiiskaasi mar hore galay Heerarkii ugu dambeeyey, iyadoo Dowladda Turkiga shaacisay muddada ay dhamaan kharajka Gantaallada S400 ku bixin doonto.

Madaxa Shirkadda Difaaca Raashiya ee ROSTEC waxa kale oo uu shaaciyey inay tababarka u dhameeyeen Khubarada Turkishka ee ku hawlgeli lahaa Nidaamka Difaaca Gantaalladad ee S400, taasi oo xusay inay tahay calaamad muujinaysa inuu heshiisku dhamaad ku dhow yahay, inkastoo ay Dowladda Maraykanka si xooggan u mucaardsan tahay Heshiiskaasi.

Xiisad ayaana ka dhex aloosan Dowladaha Maraykanka iyo Turkiga oo ku aadan Iibsiga Turkiga ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka Difaaca ee S400