Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo dalbaday in baaris lagu sameeyo sababta geerida Gaashaanle Cabdi Cali Seed

0

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa dalbaday in baaris deg deg ah lagu sameeyo geeridii Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliya.

Sarkaalka geeriyooday ayaa la arkay isaga oo xarig qoorta uu kaga xiran yahay, islamarkaana uu ka soo laa laado meel geed ah oo ku dhex yaalla Xerada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab.

Xildhibaan Saabir Nuur oo qaraabo ay yihiin Sarkaalka geeriyooday ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku sheegay in Taliska Booliska laga doonaayo inay warbixin rasmi ah la wadaagaan ehelka marxuumka, taasi oo ku saabsan geerida Sarkaalkaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa Mas,uuliyiinta Taliska Ciidanka Booliska iyo Hay’adaha kale ee u xilsaaran in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan sida iyo sababta keentay geerida xanuunka leh ee Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed, Warbixin dhameystirana ay la soo wadaagaan ehelada Marxuumka.”

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliya Zakia Xuseen ayaa sheegtay inay wadaan baaritaanka ku aadan sababta ka dambeysay geerida Sarkaalkaasi, waxaana baaristaasi ku hawlan Hay’adda dambi baarista Ciidanka Booliska Somaliyed.

ALLGG