Taliska Booliska oo War Kasoo Saaray Kiiska Dhimashada Cabdi Cali Seed

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Kiiska dhimashadda Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed, oo meydkiisa laga helay Xarunta Sheelare Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Zakia Huseen Axmed Taliye Ku-xigeenka Booliska Soomaaliya oo qoraal la wadaagtay bulshadda ayaa sheegtay in Gaashaanlaha meydkiisa laga helay Xarunta Sheelara,islamarkaana baaritaano lagu hayo.

“Alle u naxariistee waxaa  geeriyooday Marxuum G/Dhexe Cabdi Cali Seed oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta. Hay’ada Dembi Baarista ee CID ayaa haatan ku hawlan baaris ku saabsan sababta uu u geeriyooday marxuumka.

Waxaan warbahinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay xushmeeyaan marxuumka iyo qoyska uu ka tagay ee aysan faafin sawiradda meydka marxuumka”, ayaa tiri Zakia Xuseen.