SAWIRRO:-Xukuumadda oo Dhiirri Gelinaysa Wax Soo Saarka Gudaha Iyo Bed-qabka Cunnada

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo maanta ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee bed-qabka Cunnada oo markii ugu horreysay sannadkaan laga xusay dunida ayaa sheegay in caafimaad qabka bulshadu uu ku xiran yahay quudashada cunta bed-qabta.

Munaasabadda oo inta ay socotay lagu soo bandhigay qaabka ugu haboon ee looga shaqeyn karo badbaadada cuntada laguna horumarin karo wax soo saarka dalka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasmiaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdullaahi Xaashi Cali wuxuuna tilmaamay in qatarta ugu badan ay ka timaado cuntooyinka banaanada lagu gado oo laga dhaxlo cuduro kala duwan.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Soomaaliya ay xubin ka noqotay shabakadda caalamiga ah ee bad baadada cuntada, isagoo dhinaca kale xusay in wasaaraddu ay wado qorshe ah in ciidamada Qaranka ay quutaan raashinka dalka kasoo baxa oo ka tayo badan tan dibadda laga keeno.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in ay dowladdu dhiirri gelinayso sare u qaadidda wax soo saarka dalka iyo quudashada dalagga ka baxa beeraha dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku baaqay in bulshada lagu tababaro laguna wacyi geliyo beerashada iyo dheefsiga cunnada gudaha oo qayb wanaagsan ka qaadanaya kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo hagaajinta caafimaadka bulshada, sidoo kalana looga maarmayo cunnada dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo ee aan la hubin tayadooda iyo bed-qabkooda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay sharciga Hay’adda dhowrista tayada iyo Sharciga dawada oo dhammaan qayb ka qaadanaya bed-qabka cunnada dalka.