Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyay Shabeellada Hoose

0

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyeen Gobalka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka ayaa maalin ka hor u dabaal dagii Ciidul fitriga waxa uu ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeleada Hoose, waxayna ku dileen hal xubin oo ka tirsana sida ay qoraalka ku sheegeen taliska Mareykanka.

Waxa ay sido kale warka ay soo saaren ku sheegeen in ay xaqiijiyeen in dad shaacab ah aysan waxba ku noqon howlgalka ay ka fuliyeen saldhig ku yaalla  deegaanka Tooratoorow ee Shabeellada Hoose.

Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika oo magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM ay inta badan dowladda Soomaliya ka garab siiya duqeymo ay ka geystaan gobolada dalka kuwaas oo ay ku bartilmaameedsadaan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.