Mareykanka iyo Mexico oo gaaray Hesiis baajinaya Canshuur hor leh

0

Mexico waxay ogolaatay in ay qaado “talaabooyin aan horay loo arkin si ay caawimaad uga geeysato joojinta muhaarijiriinta ku qul-qulaya Xuduuda ay la wadaagto mexico, Heshiiska cusub  waxaa uu baajinayaa  in ay dhaqan galaan canshuuro cusub oo Madaxweyne Trump uu balanqaaday.

Trump ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska cusub loo gaaray si loo joojiyojin lahaa canshuurtii ku wajahneyd badeecadaha Mexico ay u dhoofiso Mareykanka.

Waxaa uu hora ugu goodiyay in uu canshuur dhan 5% uu saarayo badeecada uga timaada Mexico haddii Dowladda Mexico aysan oglaan in ay gacan ka geysato ka hor tagga muhaajiriinta.

Isniinta Todobaadkaan ayey dhaqan galilahayd Canshuurta la heshiisku baajiyay .

Hadda Mareykanka iyo Mexico ayaa ka wada Shaqayn doona sidii meel ka baxsan Xuduudda Mareeykanka looga hortagi lahaa Dadka doonaya in ay si dharci darro ah Mareykanka ku galaan.