Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiriaan magacaabayna guddoomiye cusub

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo uu xilka ka qaaday Yuusuf axmed hagar Yuusuf Dabageed.

Xilka qaadista guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku eedeeyay inuu doonayo in uu lunsado dhaqaalaha laga ururiyo shacabka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.