Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in la mideeyay Canshuuraha degaannada Hirshabeelle

0

Gudoomiye ku xigeenka maaliyada Gobolka Hiiraan, Xasan Ibraahim Cabdulle, ayaa sheegay in dhaqaalaha ka yimaada Canshuuraha ee laga soo uruuriyo Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe la mideeyay, Lacagtuna ay ku dhici doonto Khasnadda guud ee maaliyada maamulka Hirshabeelle.

Mudane; Xasan Ibraahim, oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Baladweyne ayaa intaa raaciyay in daqligaasi dib loogu celin doono Bulshada ku dhaqan Labadaasi Gobol, iyadoo loo adeegsan doono arrimaha Wax barashada Cafimaadka, dib u dhiska IWM.

Guddoomiye ku xigeenka maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheynayaan in ay soo celiyaan isticmaalka Lacagtii Shilling Soomaaliga oo muddooyinkii dambe ay dhibaato weyn ku qabeen Bulshada Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii waxaa uu Guddoomiye ku xigeenku Bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga iyo Ciidamada ilaalada Canshuuraha, isla markaana ay Garab istaagaan maamulkooda heer Degmo iyo heer Gobo,l si loo gaaro horumar iyo nabadgelyo.