Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo shaaciyay waqtiga uu furmayo kulanka Golaha

0

Kulan ay leeyihiin guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa la sheegay in kulankooda ay kaga arinsadeen howlaha horyaala Xildhibaanada Golaha Shacabka oo haatan fasax ku ku jira.

Guddiga ayaa shaaciyay in kulanka guud ee Golaha Shacabka ay dib u bilaaban doonaan 15-ka bishaan, kadib fasax gaaban oo ay galeen dabayaaqadii bishii barakeysneed ee Ramadaan.