DAAWO:-C/rashiid Xiddig oo Kismaayo ka jeediyay khudbad dhiigga ku kicisay Hogaamiye Axmed Madoobe

0

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa khudbad xasaasi ah u jeediyay waxgarad iyo odayaasha dhaqanka beelaha degan gobolada Jubbooyinka, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladda halka mareyso, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo loolanka xoogan ee loogu jiro doorashooyinka dhowaan ka dhacaya halkaasi.

“Intiinaan meesha fadhida waa yar tahay qof aan loo hanjabin sidaan filayo” ayuu yiri Cabdirashiid Xiddig oo sheegay in magaalada Kismaayo lagu xiray xubno ka horjeeda siyaasadda Axmed Madoobe.

Xildhibaanka oo ka mid ah musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa sheegay in Kismaayo maamulka ka arrimiya uu dhibaatooyin kala duwan ku hayo bulshada qeybaheeda kala duwan isla markaana uu xadidayo dhaqdhaqaaqyadooda musharaxiinta iyo siyaasiyiinta ka qeyb qaadanaya doorashooyinka.