AKHRISO:-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo dalbaday in Maxamed Nuur uu helo caddaalad

0

Dibad bax ballaran oo lagu taageerayey Maxamed Nuur oo Soomaali Mareykan ah, loona haystay dilka gabar caddaan ah oo lagu magacaabi jiray Justiane Damond, kana soo jeeday dalka Australia, balse haysatay dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay afaafka hore ee guriga looga arrimayo dowladda Hoose ee magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Bannaan baxaan Nababdeed ayay kaga cabanayeen cadaaladda darradda loo gaystay Maxamed Nuur Jaaliyadda Soomaaliyeed ee daggan Gobolka Minnesota ayaa wuxuu ku soo aadaya, iyadoo sacaado un kaddib lagu dhawaaqi doono xukunka Maxamed Nuur,taas oo ay sheegeen Jaaliyaddu in uusan helin xukun caddaaladeed, balse ay ka codsanayaan in uu helo guddoon ka duwan kii hore.

Dhan kale Eheladda Maxamed Nuur ayaa tacsi u diray qoyskii ay ka geeriyotay Justiane, iyagoo sheegay in aad uga xun yihiin dhibta gaartay.

Aabaha dhallay Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahadceliyey Jaaliyadda Soomalaiyeed ee ka soo qayb-gallay isu soo baxaan, isaga oo sheegay in ay dalbanayaan in uu wiilkiisu helo xukun Cadaalad dhamaystiran oo aan ahayn mid dhan ka raran.

Maxamed Nuur waxa uu horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, waxaana loo heystaa dilka Justiane Damond oo ahayd gabar cadaan ah.