DHAGEYSO:-War Cusub oo kusoo kordhay Sarkaalkii la sheegay in uu is daldalay

0

Xaaska Sarkaalkii saakay la sheegay in uu isku daldalay Xerada Ciidamada ee xaafada Sheelare degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir,kaas oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in seeygeeda uu is daldalin balse la dilay.

Allaha u Naxariistee Meydka Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed ayaa lagu arkay Gudaha Xerada Sheelare,isaga oo qorta uu u suran yahay xarig, isla markaana uu geeriyooday.

Xaaska Marxuumka oo lagu Magacaabo Deeqo Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in sarkaalka uu isbdilay,hayeeshe ay sheegtay inay tuhmeyso in si ula kac ah loo dilay.