DHAGEYSO:- Madaxda Puntland iyo Somaliland oo Fariin Culus loo diray

0

Guddoomiyaha Ururka Midnimada Maakhir, Cawad Cabdiraxmaan Xirsi, oo waraysi gaar ah siyeey Radio Daljir ayaa ka hadlay xaaladda gobalka Sanaag iyo maxaabisti dhawaan ay is dhaafsadeen Puntland iyo Somaliland.

Ugu horeyn Cawad ayaa dhaliilay qaabka ay Puntland iyo Somaliland maxaabista isku dhaafsadeen iyadoo ay weli jirto colaad u dhexaysa labada dhinac isla markaana degaano Puntland ka tirsan Somaliland gacanta ku hayso, walina ay Somaliland duullaan ku tahay gobalka Sanaag.

Cawad ayaa waxa uu yiri, “maxaabiis waa ay is dhaafsan karaan dowlado heshiis ah, balse maxaabiis isma dhaafsan karaan maamulo dagaal ka dhexeeyo oo wali heshiis aan wada galin.”
Wareysi Guddoomiye Cawad Qurbajooog