AKHRISO:- Mas’uuliyiin Soomaali Ah Oo Laga Mamnuucay Inay Galaan Kenya

0

Ilo ku dhow Dowladda Kenya ayaa sheegay inay dalkeeda ka mamnuucday 66 Saraakiil Somaali ah, xilli uu Khilaafka Diplomaasiyadeed ee labada waddan uu sii laba kacleeyey.

Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inay xogtaasi ka heleen ilo aan magacyadooda la sheegein, kuwaasi oo u soo gudbiyey Liiska Qarsoodiga ee magacyadda Saraakiisha Soomaalida ee ay Dowladda Kenya ka mamnuucday inay dalkooda soo galaan.

Wargeyska The Standard Media waxa uu qoray in Liiskaasi ay ku jiraan magacyadda Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federalka Somalia, Xidhibaan ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia iyo mid horey uga tirsanaa, Ra’isul-wasaare hore, Taliye-xigeen Hay’ad Amni, Milkiilayaal Shirkad Isgaarsineed iyo Muwaadiniin Kenyan oo qaarkood la sheegay inay ku hayb ah Madaxweynaha DFS, waa sida uu qoray Wargeyska The Standard Media.

Ma jiraan war rasmi ah oo ay Dowladda Kenya ilaa iyo haatan ka soo saartay Liiska dadka Soomaalida ee la sheegay in laga mamnuucay inay soo galaan dalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay bishii hore Garoonka Jomo Kenyatta ku xayireen Wasiirta Tamarta iyo 2 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Barlamaanka Somalia, kuwaasi oo dib loogu soo celiyey Muqdisho.