AKHRISO:- Galmudug oo kulan deg deg ah ugu baaqday Madaxda maamulada

0

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa kulan deg deg ah la isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya si looga hadlo Xaaladda dalka.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay dhammaan waxyaabihii loo idmaday oo qeyb ka yihiin dagaalka lagu jiro Al-Shabaab iyo in ay dooneyso burburinta Nidaamka Federaalka ee dalka ka jira.

Kulankaan ayaa ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana sidoo kale beesha Caalamka ay ugu baaqday in ay il gaar ah ku heyso Xaaladda Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa eedeyn adag u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay duulaan kusoo qaadeen maamulka Galmudug ayna ka jarteen dhaqaalihii loogu tala galay.

Galmudug waxay si diiran u soo dhaweynaysaa magacaabidii Ergayga gaarka ee cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya kaasi oo Madax ka noqon doona howl-galka QM si loo dar dargaliyo dadaalada Nabadeynta iyo qaran-dhiska Soomaaliya.

Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf xooggan oo sababay in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.