DHAGEYSO:-Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee Gedo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen Deegaanno dhaca Gobolka Gedo

0

Dhamme Cali Maxamed oo ah Taliyaha ururka 49-aad Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgala Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ay ka qabsadeen deegaanno hoostaga Baardheere.

Waxa uu sheegay in howlgalkooda uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana Al-Shabaab ay isaga baxeen Deegaanada gacantooda soo galay, sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Cali ayaa intaa ku daray in howlgaladooda ay sii socon doonaan illaa inta uu sheegay in Al-Shabaab ay ka faramaroojinayaan meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Degmada Baardheere Cabdullaahi Nuur Xasan Cadow ayaa sheegay in meelo muhiim ah ay ka qabsadeen A-Shabaab, isaga oo sheegay in abaabul ciidan uu ka socdo deegaanada Jubbaland.

ALLGG