AKHRISO:- Duqii Hore ee Muqdisho oo ka hadlay Xiisadda ka taagan Magaalada

0

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Xiisadda dhulalka dowladda ka dhalatay ee ka taagan Xaafaddo ka mid ah Muqdisho.

Waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah oo nabadgaliyo la socoto loo xaliyo Xiisadda,islamarkaana aan loo bareerin daadinta dhiiga Shacabka

Warka Duqii Hore ee Muqdisho Taabid Cabdi ayaa siddaan u qornaa:

Arimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday.

Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo.

Waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin.

Dhulka danta guud ee dowladdu u baahato iney ugu adeegto shacabka soomaaliyeed waxaa haboon in loo maro wado nabdoon oo aan abuurin rabshado iyo xasilooni darro, madaama qofka deganba uu yahay muwaadinka la doonaayo in loogu adeego.