FAALO:- Fadaraalka oo diidan dowlad dhexe oo awood leh ogolna beelo gumaysi ku hoos nool

0

Dalka Soomaaliya waxa uu marayaa mudo nus qarni ah,xaalad aad u qalafsan oo salka ku haysa soo noqoshada gumaystaha shisheeye ee qarada ka baxay afrika 1960 maadkii.Gumaystuhu xiliyadaas sii horeeyay,ayuu sahamiyay khayraadka dalalkii afrika ee uu guumaysanaayay oo ay kamid tahay soomaaliya. Sahankaa wuxuu ku ogaaday waxa dalwalba illaahay siiyay ee khayraadka dabiiciga ah iyo istaraatiijiyada uu dhaco.

Waxaa intaa dheer kala qaybinta uu dhex dhigay dad hal ahaa oo wada dhashay dal kaliyana ku midaysnaa. Soomaaliya waxa uu u qaybiyay 5 qaybood isagoo og in dadka soomaaliyeed yihiin dad isku diin ah, isku af ah, isku isir ah, isku dhaqan ah, haldalna wada leh. Wuxuu saa u yeelay waxay ahayd in khayraadka dhulkaa uu ku ogaaday ka faa iidaysto aayaha oo hada aad moodo in la joogo.

Waxaana daliil u ah cidii fakaraysaa,eeg wakaa dhulkii Soomaali galbeed ee dalkeena guumaysigu ka gooyay hada lasoo baxaya khayraadkiisii dabiiciga ah sida macdanta iyo gaaska. dhanka kalana wakaa batroolkii badeena iyo khayraadkii kaluunka badeena uu rabo in uu kenya ku wareejiyo sidii uu dhulka soomaaliyeed kenya shalay uugu waree jiyayba.way kuu muuqataa in gumaysigii soo rogaal celiyay laguna socdo khayraadka dhulkeena,inagoon cidi waxba inaga waydiin dhulkeena la boobay.

Fikirkii gumaysi ee hore markii uu dhulka soomaaliyeed qaybinaayay,wuxuu dhigay shax iyo qorshe fog oo oranaaya “Majiro qaran iyo dawlad soomaaliya ka dhalata oo xoogleh,taabadalkeedana waxaa jiraya beelo soomaaliyeed oo ku hoos noolaada adeegayaasheena aan wakiilanay Ethiopia iyo Kenya.”

Ninbaa laga sheegay in uu yiri,xili isaga loo sheegay in cadaw u tashaday,” Meeshii laygu tashaday saw illaahay majoogin? haa weeye kabaxa waxba ima yeeli karaane” Hadaba illaahay wuxuu qadaray iyadoon raali laynaga ahayn in 1960 aynu helay dawlad iyo xornimo.markiiba wakiiladii gaalo Ethiopia iyo Kenya waa qayliyeen oo waydiiyeen sayidkooda “Xeerkii miyaad ka baxdeen aad shalay noo sheegteen ee ahaa in qaran iyo dawlad soomaaliyeed jirayn,balse beelo soomaaliyeed jirayaan oo hoosteena yimaada hadaanu nahay kenya iyo Ethiopia ( Ethiopia oo iyadu markaa dawlad ahay halka keenyana boroseesku usocday dawlad nimo)”

Labadan wakiil ethiopia iyo kenaya walwal badan bay ku haysay dhalashadii iyo madax banaanidii soomaaliya.had iyo goorna dagaal bay inagula jiraan waana cuqdad gumaysigu ku abuuray. halkan waxaad ka fahmaysaa sababta dalkeena loo burburiyay oo dawladii soomaaliyeed ee cadawga hortaagnayd meesha looga saaray. sadex jabhadood oo beelaysan ayaa dalkeena lagu burburiyay SSDF SNM IYO USC waxaa xusid mudan markay dalkoodii burburiyeen iyagii gumaysigu waa ka ilaaliyay in ay dawlad noqdaan!! maxaayeelay hadafkaa ahaa in xiligii xornimada ka horaysay soomaaliya siday ahayd lagu celiyo,lagana dhigo beelo aan dawlad ahayn oo hoos jooga wakiilada gumaysiga kenya iyo ethiopia.

Markaas ayaa gumaysigu u jawaabay kenaya iyo ethiopia in uu san xeerkii kabixin markuu tusay sida uu uburburiyay soomaaliyadii dawlada ahayd ee cabsida ku haysay labadan dal,taasoo kenaya iyo ethiopia qosol aad ah dhoosha danbe ay ka qosleen!! sayidkoodana aamineen.

FADARAALKA OO AH DABAR AMA ISBAARO LOO DHIGTAY IN DIB DANBE SOOMAALIYA U HESHO DAWLAD DHEXE OO XOOGLEH

Horaan maqaal uugu soo bandhigay dhibka iyo shirqoolka fadaraalka iyo cidii inoo keentay.waxaad maanta arkaysaan halkii laysugu tagi lahaa ee la dhisi lahaa ee lagarab istaagi lahaa dawlad soomaaliyeed,oo dalkeena bad baadisa cadawgana iska celisa iyo gumaystaha ayaad arkaysaan in GALMUDUG IYO PUNTLAND oo isu arka laba dawladood in ay garabka ku hayaan una adeegayaan maslaxada cidkasta iyo dawlad kasta oo cadaw ku ah jiritaanka umada soomaaliyeed iyo xoriyada dawladnimo ee dalkeena. waxay la dagaalayaan in dalku yeesho hal dawlad oo MOGDISHO looga arimiyo.

Labadan dawladood GALMUDUG IYO PUNTLAND waa laba beelood dhab ahaan dawladnimana ka dheer xaaf iyo dani midna maha madaxweyne!! waxaase kuu cad in ay hal shaqo uun hayaan oo ah in dalkaan aysan dawlad xoog leh oo hanata dalkoo dhan ka dhicin,shaqadana waxaa u dirtay sayidkooda la hoos geeyay ee ah kenya iyo ethiopia. Hadaba waxay u shaqeeyaan cadawga soomaaliyeed iyagoo fulinaaya hadafkii fogaa ee ahaa beelo iyo qabaa ilo soomaaliyeed waa jiraan laakiin dawlad iyo qaran soomaaliyeed majiro beelahaas oo hoos yimaad ethiopia iyo kenya.

Halkan waxaad ka fahantahay in fadaraalku yahay beelo iyo qabii looyin hoos taga kenya iyo ehtiopia meeshana waxaa laga saaray soomaali dawlad ah. waadna aragtaan siday hada ula safan yihiin kenya iyo ehtiopia una diidan yihiin dawlad soomaaliyeed.saas ayaa keentay in fadaraal lagugu shirqoolo hadaad tahay wadaniga soomaaliyeed.reero calamo yar yar wata oo dawlado ah!! macnaheedu waxaa weeye beelo kala joogaa dawlad ma noqdaana yaa dawlad u ah dadkaan? jawaabta arkhristahaan u daayay.

Halkan waxaa taagan,gumaystihii ingiriis oo dawlad ah iyo qabiil soomaaliyeed,goobtu waa Nairobi waxay u tageen halkaa in ay gacanta kasoo dhunkadaan iyo lugaha madaxda kenya,una muujiyaan in ay hoos joogaan dawlada kenya kuna garabtaagan yihiin biyaha bada kenya ee ay soomaalidu sheeganayso waaday u sheegan cadawgee,waxayna yiraahdeen ” Raali kama nihin gardarada ay wadaan reer Mogdisho oo sheeganaya bada kenya” waxay isu haystaan sidaa Puntland iyo Galmudug in ay dawlad yihiin layiraahdo SOMALILAND!! Waxaa xusid mudan in Ingiriisku iyo Kenya ay yihiin kuwo aad uga dharagsan in SOMALILAND tahay magac ay ku hoos jirto hal beel qayb yaroo kasii mid ah oo ka tirsan beelaha soomaaliyeed ee dagan waqooyiga soomaaliya.

Waxay u waramayaan gumaystihii kala qaybintan sameeyay, Ingineerkii guriga dhisay ayay naqshad hor wad wadaan isna dhoosha ayuu ka qoslayaa xataa anaa!!. kuwani sadex midna malaha iimaan malaha,diin malaha,dalna malaha. haday leeyihiin ninka intaas aamin sani kuma xad gudbo intaba ee wuu ilaaliyaa. hadaba nimankani intaa ma ilaaliyeen weeye suaashu?

Hadaba Somaliland oo jifo ah,Puntland oo jifo ah iyo Galmudug oo jifo ah ayaa hoos jooga kenya oo beecinaya dhulkoodii iyo badoodii sidaynu aragnaba.markaa akhristoow ma tahay beelo soomaaliyeed oo hoos jooga kenya iyo ehtiopia arinka dalkeenu? sow kuuma cada fadaraalku in uu yahay jifooyin calan been ah huwan oo iska dhigaaya dawlad gumaysiguna u durbaan tumaayo. hadaba maxaa la gudboon shacabka soomaaliyeed ee dalkaan iska leh?

Waxaan qabaa in aan dawladeena garab istaagno dad iyo dal jira ayaynu nahay,libintana inagaa iska leh dalkeena waa difaacanaynaa kuwa gumaysiga inaga raacayna(jifada sacad,jifada maxamuud saleebaan,jifada habar awal,jifada reer cabdille) gacanbir ah ayaan ku qabanaynaa waana maxkamadaynaynaa.Soomali afartaan jifo maxay kayihiin nin walbaa taa garanaaya kama aha 2% boqolkiiba laba.majeclayn in aan afka beel ku dhufto,waana ogahay in dadku wada xumayn hasa yeeshee jifooyinkani mahayno wax garadkoodii,odayaa shoodii oo ka hor yimid markay arkeen in ay shisheeye u shaqaynayaan, markay arkeen in ay ka horyimaadeen dawladnimo soomaaliyeed,halkaa waxaa nooga cadaatay in ay dulmigaa taageersan yihiin,markaa waa waajib in aan tilmaano, meela soomaali uga soo wada jeed sato,kooda fiican in ay dib dhigaan maha kan khayaamaya dalkana soo hormariyaan oo daba kacaan sidaa muuse biixi,dani,xaaf,axmed madoobe oo iyaguna is rabin dawlad soomaaliyeedna rabin. Dalka soomaaliya ayaa leh dawladna waynu nahay iyo qaran jira,calanbaan leenahay,caasimad baanu leenahay MOGDISHO, madax baanu leenahay, qaranbaanu nahay manihin qabiil.

Dawlado badan oo caalamka ah ayaa na taageersan,sida Turkiga waana ognahay in kenya cabsanayso markay ogaatay xooga soo socda ee soomaaliyeed oo haysta hubkii uugu danbeeyay caalamka oo aysan wali helin ethiopia iyo kenaya.soomaaliyeey waxaan idiin balan qaadayaa in mardhaw aad arki doontaan MOGDISHO oo loo soo kala dhuunto kenya iyo ehtiopia.kuwa isa soo ban dhigay ee u shaqeeya gumaystaha ee umada soomaaliyeed u wada jeedo waa kuwa uugu xun kana sii liita gumaysiga kuwan sharcigaan horkeenay naa waana khiyaara qaran ciqaabtoodu.

Soomaaliya labaa loo kala baxay intabadan oo difaacaysa dawladnimada iyo dalkeena xoriyadiisa iyo in yaroo gumaysiga daba dhilif u ah oo dalka dhaafsaday xooga doolar ah. nin walbaa xaqiisu helayaa ee nin waloow haka qoomamayn waxaad meel dhigatay bari.

Waxaa qoray Yuusuf Omar.