Madaxweyne Saciid Deni Oo Baaq U Diray Shacabka Gobolka Mudug

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay Martiqaad Afur iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo weftigiisa

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd Aas-aasayaashii Puntland ayaa martiqaadkan samaysay, waxaana ay Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa u guud martay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Puntland ay soo martay, waxay bogaadisay doorka saliim ka ah ee  Xukuumadda siineyso horumarinta dalka.

Madaxweynaha  Puntland ayaa mahad balaadhan u jeediyey Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye oo weftiga Madaxweynaha ku maamuustay Afur iyo Casho sharaf

“Waxaan u mahadnaqayaa Caasho Geelle oo gurigeeda Caawa ani iyo Waftigayga nagu marti qaaday cunto aad u macaan iyo jawi qurux badan aad ayaad ugu mahad santahay martiqaadkaaga aadka u wanaagsan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay, waxaana uu xaqiijiyey in dowladda Puntland ahmid gaara siinayso dhallinyarada, sidii ay horeba usiisay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Mudug ugu baaqay inay ka shaqeeyaan talaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasiloon,, mid nabad ah, mid horumaray iyo mid ay shacabkiisu halbeeg u yahay wadajirka.