AKHRISO:- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0

Warar horudhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu geystay qaraxii xoogganaa ee goor dhow ka dhacay Koontaroolka Ciidamada NISA ku leeyihiin agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Qaraxa oo ahaa mid aad looga maqlay magaalada oo dhan, isla markaana qiic iyo uuro ay cirka isku shareertay, lagana arkayay meelo badan ayaa la sheegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu beegsaday koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin nawaaxiga Godka Jilacow.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkeen meydadka dad ka badan shan ruux oo ay ku jiraan Ciidamo, waxaa ku dhintay Qaraxa Sarkaalad ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Fadumo Cali Raagge.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ugu yaraan labo Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen qaraxa, kuwaasoo lagu kala magacaabo Maryan Cariif iyo Nuur Shabeel.

Dhaawacyo fara badan oo ka dhashay qaraxa oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka NISA ayaa la sheegay in Isbitaalada la geeyay.

Waxaa jira khasaaro soo gaaray qoysas danyar ah oo degan Kaamka ku yaalla Ex Wasaaraddii hore ee Caafimaadka, sidoo kale waxaa nawaaxiga halka qaraxa ka dhacay ku yaalla goobo ganacsi.

Qaraxan saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, xilli shalay illaa xalay ay jirtay feejignaan la xiriira dhanka amniga, iyadoo warar dhanka Sirdoonka oo la helay ay sheegayeen in qaraxyo ay ku jiraan magaalada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta ahaa ee lagu qaaday Koontaroolka Ciidamada NISA ku leeyihiin agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan.