Faah faahin ka soo baxaya dagaal Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhex maray Baardheere

0

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Saldhigyo Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo ku dhow saacad socday.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ayaa sheegay in dagaalka la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada Ciidan, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Qof ka mid ah dadka ku sugan magaalada ayaa sheegay mararka qaar la maqlayay qaraxyo goobta ka dhacayay, waxaana Ciidanka Itoobiiyaanka dib u riixeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ay madaafiic ku garaaceen Al-Shabaabka weerarka ku soo qaaday, xilligii dib loo caabinayay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in markii hore ka war hayeen duulaanka Al-Shabaab, sidaasna ay ku fashiliyeen, wuxuuna sheegay iney khasaare lixaad leh weerarka ku gaarsiiyeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda xaqiijiyay inay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baardheere.

Weerarka Baardheere ayaa noqonaya kii labaad oo ay Al-Shabaab kula galaan gobolka Gedo Ciidamada Itoobiya wax ka yar 72 saacadood, iyadoo weerarkan kii ka horeeyayna uu ka dhacay duleedka magaalada Garbahaareey, halkaas oo lagu dilay 8 Al-Shabaab ah, halka Ciidanka Xoogga dalkana looga dilay xubno uu ku jiray Taliyihii Nabadsugida Garbahaareey oo Ciidamada Itoobiyaanka wehlinayay.