DHAGEYSO:-Madaxweynaha K/galbeed Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Bardaale

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa uu ka hadlay qarax Khasaaro geystay oo shalay ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed xili ay marayeen gudaha degmada Bardaale.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in qaraxa uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsanaa Golaha deegaanka,kaasi oo lagu magacaabi jiray Falar Liibaan Nuurow,waxaana uu tacsi u diray  qoyskii iyo qaraabadii uu ka dhintay,isagoona Alle uga baryay in uu Janada ka waraabiyo iyo dadkii kale ee halkaasi ku geeriyooday.