AKHRISO:- Ciidamo U Dhashay Uganda Oo La Siiyey Seminaar Lagu Illowsiinayo Walbahaarkii Dagaalka Ee Somalia

0

1,798 Askari u dhalatay Uganda oo bilowgii bishan dhamaystay Hawlgalkii AMISOM ayaa waxaa shalay loo soo gebagebeeyey Seminaar Wacyi-gelin iyo La-talin dhanka Dhimirka iyo dib-ula-midoobida Qoysaska iyo Mujtamaca.

Ciiddanka seminaarka la siiyey ayaa waxay ka tirsanaayeen Kooxda 24-aad ee Dagaalka ee Ciiddanka Uganda, kuwaasi oo bilowgii bishan dib ugu laabtay dalkooda hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgal muddo 12 bilood ah oo ay qeyb ka ahaayeen Ciiddanka AMISOM.

Ciiddankaasi waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Ciiddanka Difaaca Uganda ee Taageeradda Hawlgalladda Nabadda ee Degmadda Nakaseke ee Bartamaha dalka Uganda.

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalkaasi, Jeneral Leopold Kayanda ayaa waxa uu shalay Tababarka u xiray Ciiddamo tiradoodu dhamayd 1,798 Askari oo uu soo dhamaystay Hawlgalkii AMISOM, kuwaasi oo uu Taliye u ahaa KolonelJackson Kyaanja.

Hadal uu Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda u jeediyey Ciiddankaasi waxa uu sheegay in Barnaamijka Wacyi-gelinta ee la siiyey muhiim u yahay sidii ay Ciiddanka uga soo kaban lahaayeen Walbahaarka hawlgalladii cuslaa iyo xanuunka caafimaadka Dhimirka muddadii ay Hawlgalka u joogeen Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray Seminaarka la siiyey uu Ciiddanka u oggolaanayo inay ka macaashaan xaqiiqda Bulshadda iyo inuu taageero ka siiyo sidii ay ciiddanka si wadajir ah ugu biiri lahaayeen mujtamacyadooda.