3 Ardey Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

0

Saddex ardey oo walaalo ah ayaa goordhow ku dhaawacmay deegaanka Ajibka oo ka tirsan Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Ardeydan ayaa saarnaa gaari la rasaaseeyey, waxaana xabad heshay Hodan Daahir halka Safiyo iyo Zakariye oo isla ilmo Daahir ay qaabab kale ku dhaawacmeen, waxaa kale oo la sheegayaa 2 kale oo iyagana halkaasi ku dhaawacmay.

“Eedo, Hodan xabad ayaa ku dhacday, laakin Safiyo gaariga ayey iska tuurtay, Zakariyana taayar ayaa kor maray ayaa la ii sheegay” sidaasi waxaa tiri eedadood oo la hadashay warbaahinta gudaha

Ardeydan oo da’ ahaan isku dhow ayaa ku jiray dugsiga sare, iyaga oo dhameyn lahaa sanadka dambe, waxaa ayna dhiganayeen iskuulka Al-anwaar.