Duqeymo ka dhacay degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe

0

Wararka aan ka heleyno degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee Jubbada dhexe ayaa sheegaya in ay ka dhaceen dhowr duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal oo aan wali la ogeyn dalka laga leeyahay.

Diyaaradaha ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leyhiib Bu’aale iyo xarumo kale oo ay Jilib kaga sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Saldhigga Bu’aale ee duqeynta lala beegsaday ayaa la sheegay in dhiamsho iyo bur bur lagu garsiyay xubnihi Al-shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

Halka Jilib lagu waramayo in lagu dilay saraakiil la tilmaamayo in xogtooda la hayaay lana bartilmaameedsaday.

Saraakiil si dhaw ula socday duqeymahaan ka dhacay kana tirsan Howgalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in xubnaha Al-shabaab si guud duqeymihii xalay looga dilay ku dhawaad labataan xubnood oo sarakiil iyo dagaalamayal isugu jiray.

Sidaan oo kale ayaa Todobadkii hore waxaa diyarado dagaal nuuca aan duuliyaha laheyn ah waxay duqueyn ka geysteen degmooyin ka tirsan Gobalka Jubbada dhexe.

Jubbada dhexe ayaana ah gobolka Kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab, mana jirto marka duqeymaha laga reebo dagaal toos ah oo Al-Shabaab lagula galo gobolkaas iyo deegaano kale oo ay Al-shabaab maamulaan.