AKHRISO:- Kenya iyo Cuba oo madax furasho ka bixinaya dhaqaatiir lagu heysto Soomaaliya

0

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Cuba ay Ogolaatay in ay bixiso Madax furasho ay dalbeen Koox hubeysan oo dhawaan labo dhaqtar oo u dhalatay dalka Cuba kasoo Afduubtay Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Wargeysyadda waa weyn ee dalka Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay ku faraxday War kasoo yeeray Waxgaradka Magaalada Mandera, kaasoo ahaa in ay nool yihiin dhaqaatiirtii Kooxda hubeysan ay soo Afduubatay, islamarkaana Madaxfurasho ay dalbadeen.

Madaxda Cuba iyo Kenya ayaa si deg deg ah arintaasi uga wada hadlay waxaana labadda dhinac ay isku Afgarteen in ay bixiyaan dhaqaallaha ay dalbeen Kooxda hubeysan ee dhaqaatiirta ku heysata Soomaaliya.

Kooxda hubeysan ee heysta dhaqaatiirta ayaa dalbaday lacag dhan $1.5Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, islamarkaana dalabkaasi durba waxaa aqbalay Cuba iyo Kenya si loo badbaadiyo dhaqaatiirtaasi.

Koox hubeysan ayaa laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, 12 bishii April waxayna sidoo kale toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey.