SAWIRRO:-Wasiirka Gargaarka XFS oo Geneva kaga qeyb-galay shirka yareynta Khataraha Masiibooyinka

0

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiiiboyinka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya markii ugu horeysay shirka caalamiga ah ee yareynta Khataraha masiibooyinka, waxaana socdaalkiisa ku wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo xubna kale oo ka socda Wasaaradda.

Shirkan caalamiga ay soo qabanqaabisay QM ayaa diirada lagu saaray yareynta Khataraha masiibooyinka loo maareyn karo, Soomaaliya shirkan wax badan kaga baraneysaa wadamada kale sida ay u yareeyaan Khataraha maadaama Khataraha aysan xuduud lahayn iyo wada shaqeyn xoogan in ay la yeelato hay’adaha arrimahan ka shaqeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka DFS  Xamse Saciid Xamse ayaa shirka  ka jeediyey khudbad  uu  kaga hadalay heerarka khatarta Soomaaliya iyo sida ay maareyso, juhdiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diirada u saran maareynta khataraha oo aanan lahayn xuduud.

Sidoo kale Wasiir Xamse ayaa sheegay  hanaanka siyaasadda yareynta khataraha iyo taaba gelinta Sendai Framework oo meel wanaagsan mareyso.

Dhinaca kale Wasiir Xamse Saciid Xamse ayaa  la kulmi doonaa wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan yareynta khataraha waxuuna kala hadlo doona sidii Soomaaliya gacan wayn looga siin lahaa maareynta khaataraha oo wax xaduud lahayn.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal iyo talaabooyin muhiim u ah dalka si wax looga qabto Abaaraha iyo wax yabaaha dabiiciga ah ee dhaca.