DHAGEYSO:-Wasiirka gaashaandhiga oo Sheegay in culeys badan ay saareen Al-Shabaabka ku sugan Shabeellooyinka

0

Xasan Cali Maxamed (Amar Danbe)  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya  oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah ay Al-Shabaab ay ciidamada xoogga ka wadaan labada Gobal ee shabeellada Hoose iyo shabeellada dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan ay furi doonaan wadooyinka ay go’doomiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoona in qorshahan dagaalka ay wadaan uu qeyb ka yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa labada Gobal, waxaana uuna tilmaamay in awooda dagaalka ay isugu geeyeen ciidamada xoogga gobalka Shabeellada Hoose.