DHAGEYSO:-Madaxweyne Xaaf oo sheegay in madaxda Dowladda dhexe ay dhibaato ku yihiin Galmudug iyo Jubbaland

0

Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa  xalay ka qayb galay Kulan ay soo agaasimeen Jaaliyadda Deegaanada Galmudug ka soo jeeda  ee ku nool Magaalada Nairobi.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa loogu jawaabayay hadalkii ka soo yeeray madaxwayanaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaasi oo ku aadanaa in madaxwaynaha Galmudug uu diiday Daawada Xalka u Noqon karta Galmudug.

Madaxwayne Xaaf ayaa halkaasi ka jeediyay Hadalo Dhinacyo badan Taabanayay isagoona walaac ka muuniyay in Dowladda soomaaliya ay ku socoto Wadadii Bur burka.

Dhankale Madaxwayne Xaaf ayaa ku eedeeyay Hoggaanka Dowladda Soomaaliya in ay Dhibaatooyin Hor leh ka wadaan Deegaanada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug.