Dagaal Ka Dhacay Magaalada Laas-Caanood Ee Gobolka Sool

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soobaxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Laas-caanood ee gobolka Soil.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaas uu u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Somaliland oo ku sugnaa bartamaha magaalada Laas-caanood.

Sida ay ku waramayaan goobjoogayaal khasaare ayaa soo kala gaaray ciidamada wada dagaalamay waxaana markii dambe soo farageliyay saraakiil ka tirsan Somaliland oo ku baxay qaboojiyayna xiisadda.

Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya magaalada ayaa sheegay in xaaladdu ay degantahay ciidamadiina ay halkoodii ku kaka suganyihiin waxaana socda Isku socodka dadka iyo gaadiidka.