Hogaamiye ku xigeenka Jubbaland oo odayaasha Ceelwaaq kala hadlay arimaha amniga

0

Hogaamiye ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kula kulmey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo odayaasha dhaqanka,Ganacsasada iyo dhalinyarada ku dhaqan degmadaasi.

Kulanka ayaa lagu lafa gurayay sida ay bulshada iyo Maamulkuba uga wada shaqayn lahaayeen Sugidda Amniga iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka.

Hogaamiye ku xigeenka 1 aad ee Jubbaland ayaa maalmahanba safar shaqo ku jooga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaas oo uu kulamo kula yeeshey maamulka,Saraakiish Amisom iyo kuwa Soomaalida.

Shalay ayay ahayd markii uu isbadal ku sameeyay ciidamada ku dhaqan degmada Ceelwaaq iyo nawaxiigeeda si loo dardargaliyo howl-gallada lagula dagaalamayo haraadiga Malleeshiyaadka Al-shabaab.