AKHRISO:- Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Oo Qaliin Lagu Sameeyey

0

Jiimi Karter oo 94 jir ah ayaa ka soo kabanaya qaliin lagu sameeyey, kadib, markii uu ka jabay Sinta.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xarunta Karter ee Gobalka Atlanta ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynihii hore jabay, xilli uu ka sii baxayey gurigiisa, si uu u ugaarsi tago.

Dhakhaatiirta Xarunta Daaweynta eeSumter waxay sheegeen in lagu guuleystay qaliinka lagu sameeyeyJiimi Karter oo isaga ahaa Madaxweynihii 39-aad ee dalka Maraykanka, wuxuuna xilkaasi hayey sannadihii 1977-kii ilaa 1981-kii.