DHAGEYSO:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shir Ku Qabsoomay Garoowe

0

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa xalay shir Iskaashi ah ku yeeshay qaar kamid ah dowladdaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo kala ah Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Shirkan ayaa waxaa Garoowe ka furay Madaxweyne Deni waxaana ku wehelinaayey Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirada sadexda garab ee shirku u furmay.

Shirka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ay isku raaceen Madaxdii shirkaas yeeshay.