Ciidanka Puntland oo howlgal ka fuliyay Boosaaso

0

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa xalay howlgalo ka sameeyay xaafado kamid ah magaalada Bosaaso

Ciidamada ayaa goobo fagaare ah isugu geeyay qaar kamid ah dhalinyaro ay kusoo qabteen howlgalkooda, waxaana baaris kadib ay sii daayeen qaarkood, halka kuwa kale ay la aadeen xarumahooda.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada howlgalkooda uu bilawday saaladii taraawiix kadib, waxaana gaadiidka dagaalka iyo kuwa shabaqlayaasha ah ay dhigteen xaafadihii ay howlgalka ka wadeen.

Lama hayo tirada ay gaarsiisan dhalinyarada ciidamada ammaanka Puntland ay ku wateen howlgalka ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso, sidoo kale ma jiro war ay soo saareen mas’uuliyiinta ammanka.