Akhriso:-Dil Ka Dhacay Degmada Kaaraan

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dilkan uu ka dhacay Xaafada Arjentiin ee Degmada Kaaraan,isla markaana rag  hubeysnaa Bastoolado ay askariga toogteen xili uu halkaasi ku sugnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada ayaa la tilmaamay inay goobta uu falka ka dhacay ay tageen,iyagoo goobta ka qaaday Meydka marxuumka,sidoo kalena sameeyay baaritaano aan wax natiijio ah ka soo bixin.