Muddo-Kordhin Loo Sameeyey Ciidanka Jarmalka Ee Qeybta Ka Ah Howlgalka Somalia

0

Barlamaanka dalka Jarmalka waxay u codeeyen in  xilli-kordhin loo sameeyo Ciiddankooda qeybta ka ah 3 Hawlgal oo ay u joogaan Qaaradda Afrika oo ay ku jiraan Ciiddankooda ka hawlgala xeebaha dalka Somalia.

Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee dalka Jarmalka oo loo yaqaano The Bundestag waxay si buuxda ugu codeeyeen in muddo hal sanno ah lagu kordhiyo xilli-hawleedka Ciiddanka Jarmalka ee ka hawlgala dalalka Somalia iyo Mali.

Ciiddanka Jarmalka oo loo yaqaano Bundeswehr, waxay haatan qeyb ka yihiin 3 Hawlgal oo ay QM iyo EU-da ka wadaan dalalka Somalia iyo Mali.

Xilli-hawleedka saddexdaasi hawlgal ee ay qeybta ka yihiin ciidadnka Jarmalka waxaa lagu kordhiyey muddo hal sanno ah oo ku ekeen doonta ilaa dabayaaqada bisha May ee sannadka soo socda ee 2020-ka.

Ciiddanka Jarmalka oo loo yaqaano Bundeswehr, waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Ciiddanka Badda ee dalalka Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.

Hawlgalkaas  oo loo yaqaano The Atalanta mission waxa uu bilowday sannadkii 2008-dii, waxaana Ciiddanka qeybta ka ah loogu talagalay inay sugaan Ammaanka Maraakiibta Caalaamiga ee isticmaala Baddaha Somalia, La-dagaalanka Burcad-baddeeda  iyo inay gelbiyaan Maraakiibta Shixnadaha Kaalmooyinka u wada dadka ku macluulsan gudaha Somalia.