Kenya oo ka hadashay sababta ka dambeysa joojinta duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi

0

Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixisay sababta ka dambeysa go’aankii ay ku joojisay duulimaadyadii sida tooska ahaa uga tagi jiray magaalada Muqdisho ee ka degayay Nairobi, kuwaasoo loo leexiyay Garoonka Wajeer.

Agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya ayaa sheegay in arrimo amni darteed ay u qaadeen tallaabadan, iyadoo ay muuqato walaac ay Kenya ka qabto amniga garoonka Muqdisho oo ah mid si weyn loo ilaaliyo oo ay baaraan dadka duulaya Ciidamo Soomaali iyo AMISOM

Kenya waxa ay sheegtay in xanibaadan cusub ay sii socon doonto ilaa laga gaaro 9-ka bisha Augosto, mudadaas saddexda bil waxey sheegtay in lagu qiimeyn doono waxa isbedel ah ee dhaca, iyadoo kadibna laga baaraan dagi doono in go’aanka sidiisa ahaado ama dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar, ayaa isagu meesha ka saaray in arrimo amni ay Kenya u soo rogtay xanibaadan cusub, wuxuuna tilmaamay inay tuhunsan yihiin in go’aankan uu yahay mid ay ka dambeyso arrimo Siyaasadeed.