DHAGEYSO:-Xaalad nolol Xumo oo soo wajahday dadka Danta yar ee ku nool Beledweyne

0

Iyadoo lagu guda jira bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa isa soo taraya qeylo dhaanta iyo waliba cabashada ay muujinayaan dadka ku jiray xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka magaalada Beledweyne.

Dadkan oo isugu jira kuwa deegaannadii ay ku noolaayeen ay ka so barakicisay abaar iyo cuno la’aan ayaa sheegay in xaalad nolol xumo ay ku haysto duleedka Magaalada Beledweyne, maadaama aysan heysan ama heli karin dhamaan wax yaabihii aas aasiga u ahaa nolasha qofka Bani’aadamka.