DHAGEYSO:-Guddoomiye Baashe oo sharci daro ku tilmaamay xariga Xildhibaan Dhakool oo Hargeysa ku xiran

0

Baashe Maxamed Faarax Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa sharcidarro ku tilmaamey xariga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ku xiran magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Dhakool ayaa habeeno ka hor gurigiisa oo kuyaala magaalada Hargeysa waxaa soo xiray Ciidamada Booliiska Soomaaliland, ka dib markii uu maalinta 18ka May ku tilmaamay maalin ugaar ah Jabhadii SNM, taasi oo ka careysiisay xukuumadda Soomaaliland.

Gudoomiye Baashe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Xildhibaanka uu mudanyahay xukun balse aan loo marin sifo sharci ah, sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in maxkamadd lasoo taagay Xildhibaanka oo xasaanad leh taasina aysan sharci aheyn.