DHAGEYSO:-Dhoobo Daareed Oo Si Kulul Uga Hadlay Shirkii Garowe

0

Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo Daareed” Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo ka hadlayay shirkii lagu kala tagay ee magaalada Garowe ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrintaasi.

Guddoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in kulamada kale ee la isugu imaan doono loo baahan yahay in kaalintooda ay qaataan Baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad goboleed eedalka.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la muujiyo dulqaad iyo tanaasul, si aan dalka aan dib loogu celin  marxaladii kala duwanaa ee uu soo maray.