AKHRISO:- Muhaajiriin Ay Soomaali Ku Jirto Oo Ka Badbaaday Dooni Ku Degtay Malta

0

Ciiddanka Badda ee Jesiiradda Malta waxay sheegeen inay badbaadiyeen 85 Muhaajiriin oo ay saqdii dhexe ee xalay dooni kula degtay meel ka baxsan Malta.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka hubeysan ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la rumeysan yahay inay Muhaajiriintaasi ka soo kala jeedaan dalalka Bariga iyo Waqooyiga Afrika.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee dalka Turkiga waxay maanta oo Sabti ah sheegeen inay ugu yaraan 757 Muhaajiriin ku qabteen Galbeedka dalkaasi.

Wargeyska Malainlaha ee Daily Sabah waxa uu qoray in Boqolaalka Muhaajiriinta ee hawlgalka lagu soo qabtay ay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Eritrea, Masar, Tunisia, Algeria, Moroko, Syria, Iraq, Iran iyo Libya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiga waxay sheegtay in 268,000 oo Muhaajiriin aan sharci lahayn lagu qabtay dalkaasi sannadkii hore ee 2018-kii, wuxuuna dalkaasi dhabo muhiim ah u yahay Muhaajiriinta doonaysay inay u sii gudbaan dalalka kale ee Europe.