AKHRISO:- Maxaabiis Ka Baxsatay Xabsi Ku Yaalla Indonesia Oo La Baadi-Goobayo

0

Booliska dalkaasi waxay ku raad-joogaan in ka badan 100 Maxbuus oo maanta ka baxsatay Xabsi ku yaalla Jesiiradda Sumatra ee dalkaasi.

Maxaabiista ayaa la sheegay inay saakayto ka baxsadeen Xabsi ku yaalla Degmadda Siyaak ee Jesiiradda Sumatra, kadib, markii ay gadood sameeyeen, dabna ka kacay Xabsiga.

Ugu yaraan 3 Maxbuub ayaa tooreey lagu dhaawacay, halka hal Askarina toogasho lagu dhaawacay.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Riyau, Widoodo Eko Prinhanstopo ayaa sheegay inay qaadeen hawlgal ballaaran, kuna soo qabteen 115 ka mid ah 650 Maxbuus oo ka baxsatay Xabsiga.