Xaaji Cabdi Waraabe oo Maanta Ku Geeriyooday magaalada Hargaysa

0

Waxaa Cisbitaal ku yaala magaalada Hargeisa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee  Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ( Cabdi-Waraabe) oo ahaa xildhibaanka ugu da’ada weyn golaha Guurtida Somaliland.

Cabdi Waraabe oo da’adiisa lagu qiyaasay 120 sanno , waxa uu ahaa hogaamiye dhaqameed ka qayb qaatay soo afjarida colaadihii u dhaxeeyey beelaha Somaliland, Kadib burburkii dalka.

Markii uu yaraa, waxa lagu xusuustaa in uu saamaxay ninkii aabihii dilay oo uu guursaday gabadhiisa , taasi keentay in ay nabad ku wada noolaadaan labada beelood.