Soomaaliland oo xalay xabsiga dhigay Mid ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland

0

Ciidamada booliska Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabey xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in maalinta 18-May ay tahay maalin u gaar ah beesha SNM.

Xildhibaan Dhakool ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool.