Maraykanka oo qabtay markab ay leedahay Kuuriyada Waqooyi

0

Maraykanka ayaa sheegay in uu qabtay markab xamuul ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ku eedaysay in uu meel uga dhacay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaraan.

Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay in markabku uu waday dhuxul dhagax, taas oo ah waxa ugu badan ee ay dibadda u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi balse Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay.

Markabka ayaa markii u horraysay lagu qabtay Indonesia bishii Abriil ee sannadkii 2018.

Waa markii koobaad ee Maraykanku qabto Markab Kuuriyada Waqooyi leedahay oo loo haysto in uu jabiyay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran, arrintan ayaana ku soo aadaysa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhaxeeya.