Khilaaf ka taagan soo xulista Baarlamaanka Jubbaland

0

Kaddib markii doorashada jubbaland lagu sheegay inay dhici doonto 15ka bisha August ee soo socota ayaa geesta kale waxaa soconaya soo xulista xildhibannada Baarlamaanka maamulkaasi.

Warar la helayo ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu ka taaganyahay xulista xildhibaannada maamulka jubbalnd kaddib markii lagu sheegay in beel waliba laga doonayo inay keento saddex musharax kuwaasi oo mid kamid ah ay udooran doonaan xildhibaan inuu noqdo guddiga xaduudaha iyo dooradhooyinka ee jubbaland.

Halka marka hore uu ahaa in beel waliba suldaankeeda uusoo magacaabo ruuxa u noqanayo xildhibaan arrintaanne uu joojiyay madaxweynaha maamulka jubbaland axmed madoobe sida la sheegay.

Siyaasiyiinta aqoonyahannada iyo waxgaradka ku nool magaalada kismaayo ayaa ka biya diidan in guddiga xaduudaha iyo doorashooyinka ay beel waliba u xulaan ruuxa uga mid noqanaya baarlamaanka jubbaland