Gaadiidleyda Kismaayo oo ka cabanaya burburka waddooyinka

0

Magaalada Kismaayo waxaa maro hal waddoo oo laami ah taasi oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, waddooyinka kale ee magaaladu waa kuwo jid cadde ah, gaadiidleydu caqabado ayey kala kulmaan xilliyada roobku da’o.

Gaadiidleydu waxay ka cabanayaan burburka waddooyinka magaalada oo ay dhibaato kala kulmaan gaadiidka, waddada isku xirta magaalada iyo xaafadda Dalxiiska waxay kamid tahay waddooyinka burbursan ee u daran gaadiidka.

Xilli roobaadka biyo ayaa gala waddooyinka jayga ah goobaha qaarna waxay noqdaan waro biyood aysan gaadiidku haweysan karin.

Qaar kamid ah dareewalada gaadiidka dadweynaha oo aan maanta la kulanay ayaa codsaday in wax laga qabto caqabadaha baaburleeyda ku haysata burburka waddooyinka.

Inta badan xilliga roobka waxaa xirmo oo biyahu saameeyaan qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Kismaayo taasi oo caqabad ku ah dadweynaha iyo gawaarida isticmaala waddooyinka.