DHAGEYSO:- Ciidanka Amniga Oo Soo Badbaadiyay Ruux Laga Afduubtay Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka oo howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda ka sameeyay degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen rag la sheegay inay yihiin Burcad dhac iyo Afduub u geysan jiray dadka deegaanka Dharkeenley.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeenley Ismaaciil Muuse Yuusf oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in laba maalin kahor gudaha degmadaas lagu afduubtay Shaqaale ka shaqaynayay mid kamid ah Shirkadaha bixiya Adeega internetka,isla markaana ay falkaas u geystay laba ruux oo ka kamid ah uu yahay Askari ka tirsan Ciidanka xooga dalka ayna gacanta ku hayaan,sidoo kalena saddex kale oo ka kamid ah raggan la qabtay ay baxsadeen,hayeeshee Ciidanka amniga ay ku daba jiraan.

Sidoo kale waxaa Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay gaarigii lagu Afduubtay Ninka Shaqaalaha ahaa iyo Darawalkii waday.