Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug

0

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ay saaka la wareegeen deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay Gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa weeraro qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanada Ceel-Huur Caad iyo Camaara,isla markaana ,iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin ay isaga baxeen Al-Shabaab,sidaasina ay Ciidanka dowladda kula wareegeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan gobolka Mudug ayaa waxaa ay xaqiijiyeen inay la wareegeen deegaanadaas,isla markaana xaalada deegaanadaas ay yihiin kuwa degan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Millateriga Soomaaliya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan,waxaana dadka deegaanadaas ay sheegayaan inay ka baqdin qabaan in dushooda lagu wada dagaalamo.