AKHRISO:- Mareykanka Iyo Kenya Oo Shaaciyay Inay Ballaarinayaan La-Dagaalanka Al-Shabaab

0

Bogga Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu qoray inay Maraykanka iyo Kenya saxiixdeen Heshiis lagu xoojinayso La-dagaalanka Alshabaab, iyo Wadaagista Hawlaha Sirdoonka iyo xoojinta Awoodaha, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay in War-saxaafadeed ay labada dhinac si wadajir ah u soo saareen shalay oo Arbaco ahayd waxaa lagu sheegay inay labada dhinac ka go’an tahay xoojinta La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Argagixisadda, Difaaca, Iskaashiga Ammaanka Sirdoonka ee Baddaha iyo Is-dhaafsiga Xogaha Sirdoonka.

Dowladaha Maraykanka iyo Kenya waxay kaloo xaqiijiyeen sida ay daacadda ugu yihiin hoos-u-dhigidda Awoodda Alsshabaab iyo inay Saaxiibadda Golaha Ammaanka ee QM kala shaqeeyaan sidii cunaqabatayn loogu soo rogi lahaa Alshabaab iyo kooxaha kale ee ka hawl-gala Geeska Afrika, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Labada Waddan waxay kaloo saxiixdeen Dib-u-cusbooneysiinta Iskaashiga qorshaha wadajirka ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee dhinacyadda Ammaanka Rayidka iyo dadaalka La-dagaalanka Musuqa ee ka jira dalka Kenya.

Heshiiska Maraykanka iyo Kenya oo shalay lagu kala saxiixday magaalladda Washington waxa u udaba socdaa Heshiis ay Madaxweynayayaasha Maraykanka iyo Kenya kala saxiixdeen bishii August 27-dii ee sannadkii hore ee ku aadanaa muhiimadda Xiriirka labadooda waddan u noqdo mid ku qotomo Wada-shaqayn Istaraatijiyadeed.